Wakiilka Cusub Ee Itoobiya U Soo Magacowday Somaliland Oo Hargeysa Soo Gaadhay

Hargeysa (Geeska) – Waxa Magaalada Hargeysa soo gaadhay Wakiilka cusub ee Dawladda Federaalka Itoobiya u soo Magacowday Somaliland, Amb. Siciid Maxamed Jibriil.

Wakiilka cusub ee Itoobiya ayaa Axaddii doraad ka soo degay Garoonka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal, waxaana halkaa kaga hor-tagay oo soo dhaweeyay Saraakiil ka mid ah Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland.

Wakiilka cusub oo laga soo ambo-bixiyey Caasimadda Addis Ababa ayaa si rasmi ah u bilaabaya shaqadiisa diblumaasiyadeed, maaddaama oo uu soo cago-dhigtay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Amb.Siciid Maxamed Jibriil ayaa beddelaya Wakiilkii hore ee Dawladda Federaalka Itoobiya u joogay Somaliland Amb. Shamsudiin Axmed Rooble, kaasi oo muddo dheer shaqada ka sii maqnaa, inkasta oo Xafiiska Itoobiya ee Hargeysa uu si wanaagsan u shaqeeyo.

Dr.Siciid Maxamed Jibriil ayaa intii aan loo Magacaabin Wakiilka Itoobitya ee Somaliland wuxuu ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Hargeysa.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s