Shir u socday Shabaab iyo ganacsatada Bakaaro oo soo dhamaaday iyo heshiis xasaasi ah oo la gaaray.

Warar ay heshay Warbaahinta Xaldoon.Net, ayaa sheegaya inuu gelinkii danbe ee shalay soo dhamaaday shir saddex maalmood qaatay oo u socday Saraakiil Shabaab ah iyo qaar kamid ah hoggaanka ganacsatada Suuqa Bakaaraha.

Sida wararku sheegayaan, Shirkan oo saacado badan qaatay maalintii u danbeysay oo shalay eheyd ayaa ka dhacay beer ku taala duleedka degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Qodobka ugu weyn oo dooda ka taagnaa, haatanna heshiiska laga gaaray ayaa ahaa in Shabaabka ay joojiyaan dilalka ay ka geystaan gudaha suuqa oo saameyn ki yeeshay ganacsigii ka jiray.

” waxaan u sheegnay in dadka suuqa imaadaa uu aad u yaraaday, sababtaasna ay tahay dilalka ay geystaan Amniyaadka Shabaab, dadkii oo dha waxey u weecdeen suuqa Xamar Weyne, sideen canshuurta ku siinaa Shabaab, haduu a suuq xumo jiro” ayuu yiri mid kamida ganacsatadii shirka fadhiday.

Saraakiishii Shabaabka ahaa ayaa markii danbe qaatay go’aan ah iney banaanka suuqaku dishtaan cidii bartilmaameed u ah oo aysan ku dhex taaban gudaha suuqa, waana midaa qodobka ugu weyn ee Shabaabka lagala xaajoonayay.

Amniga Suuqa ayaa maalmahan ah mid wanaagsan, mana jiro dilalkii joogtada ahaa ee Shabaab ka geysan jireen suuqa, taasoo bud dhig u ah heshiiska dhacay, maadaama Shabaab Isha ugu weyn ee dhaqaalaha ka sameeyaan tahay canshuurta ay ka qaadaan ganacsatada Bakaaro.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s