Fasiraad Fariinta Amb. Yamamoto
Waxa dad badani wax weyn ka dhigeen fariinta deelqaafka ah ee ka soo yeedhay Amb. Yamamoto.
Maxay saamayn ku yeelan kartaa PL&JL?
Wax weyn kuma yeelan doonto sababahan awgood:
1. Xidhidhii micno le Safaaradu lama laha PL&JL.
2. Hawlgalka ugu badan ee D/Mareykanku ka wado Soomaaliya waa rushaynta Alshabaab dhinaca cirka. Taasina wey soo afjareen. Saamayn badan kuma laha nolosha D/Goboleedyada.
3. Lacagaha Mareyknaku bixiyaan AMISOM iyo VillaSom ma soo dhaafaan.
4. Mashaariic horumarin iyo maal gelin wax kubool ah Mareykanku kama wado PL& JL.
5. Dawladan Mareykanka ee hada xilka haysaa waa “lame duck” ama gabobabo oo 70 beri ayaa u hadhay, xiligeediina wuu sii dhamaanayo. Dhinaca kale, markaana siyaasad qorshaysan oo Afrika ku aadan ilaa hada ma laha.
Intaasi oo dhan waxa ka muhiimsan PL&JL VillSom. laga ma dhisin wax badana kuma soo kordhin karaan. PL xidida adag ayey leedahay waa hadii dadkeedu israacaan. JL marka horeba looma tudhin.
Waxa iyana in laga war sugo u baahaan waxa ka soo yeedhi doona xisbiyada iyo saamalyda siyaasadeed ee fadhigoodu yahay Muqdishu.
Baln aan fiirino.
Faisal Rooble