
Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Muuse Geeseey ayaa ka badbaaday Qarax Miino oo goordhaw ka dhacay eegtay aagga Laansaleeti ee degmada Cabdicasiis ee gobalka Banaadir gaar ahaan agagaarka garoonka Eng Yariisow.
Hal qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday waana qof dumar ah oo wadada mareysay sida ay KNN u sheegeen dadka deegaanka.
Guddoomiyaha ayaa ka qeyb geli rabay ciyaar saaxiibtinimo oo degmadiisa iyo degmo kale u dhaxeysa oo lagu wado in ay ka dhacdo garoonka kubada cagta ee Eng Yariisow