Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo Muqdisho ku wajahan.
Shirarkii uga socday Garowe Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa la filayaa in laga soo saaro war murtiyeed wadajir ah oo ku saabsan marxalada siyaasadeed iyo doorashooyinka dalka.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland todobaadka soo socda ay tagi doonaan Muqdisho, halkaasna uu mar kale ka furmi doono wareeg kale oo ah Shir ay isugu imaanayaan DFS iyo DXDF.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya inuu jiray dalab Madaxweyne Farmaajo ka yimid oo ahaa inuu Garowe ugu yimaado Madaxda Puntland iyo Jubbaland, balse taa bedelkeed ay u sheegeen in iyaga ay Muqdisho imaanayaan
Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jubbaland ayaa maalinta berri dib ugu laabanayaan Kismaayo, si ay xaga uga soo aadaan Muqdisho.