Saans aan Collaaddeed o laga Dareemaayo Gobolka Sool Dhinaca Somaliland iyo Puntland

Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Sool,ayaa sheegaya in 24 saac ee la soo dhaafay ay deegaanno katirsan Gobolkaasi, laga dareemayay saan saan Coladeed oo u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland.

Dhinaca kale Warar hoose ayaa ka soo baxaya Kulan si qarsoodi ah, oo horaantii Todobaadkan dhexmaray mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland iyo Saraakiil Ciidan ee ka soo jeeda Gobolka Sool, kaas oo looga hadlay Arrima kala duwan oo xasaasi ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo Taliyaha Ciidamada Gen. Nuux Ismaaciil Taani, oo Sabtidii Kulan qarsoodiya Hargeysa kula yeeshay Saraakiil Ciidan oo ka yimid Gobolka Sool, ayaa kala hadlay sida ugu fudud ee Somaliland ku qabsan karto Degmada Boocame ee Gobolka Sool.

Wasiirka Maxamed Kaahin, ayaa u sheegay Saraakiisha ka soo jeeda Gobolka Sool, in wakhtigan aan loo baahnayn dagaal toos ah oo dhexmara Puntland iyo Somaliland, maadaama sida uu xusay labada dhinac uu ka dhexeeyo Heshiis Nabad-gelyo, balse loo baahanyahay in la abaabulo Ciidamo Xooggan oo Degaanka ah, kuwaas oo Puntland ka fara-maroojiya Degmada Boocame.

Gen. Taani, oo isna hadal kooban u jeediyay Saraakiisha, ayaa sii xoojiyay Hadalka Wasiirka, isagoo ka dalbaday Saraakiisha in ay abaabulaan Ciidamo Degaanka ah, oo ku hawlgala magaca Somaliland, si Degmada Boocame loo soo geliyo Gacanta Somaliland.

Labada mas’uul, waxay sidoo kale saraakiisha Reer Sool u sheegeen, in Abaabulka loo ekaysiiyo mid ka yimid Dadka Degaanka oo taageersan Somaliland, balse laga ilaaliyo in uu u muuqdo mid Somaliland abaabushay.

Sidoo kale Saraakiisha Reer Sool ayaa ballan-qaaday in ay ku dhaqaaqi doonaan abaabulka iyo diyaarinta Hawshaas, waxaase ay dalbadeen Kharashkii lagu fulin lahaa Qorshaha, kaas oo mas’uuliyiinta Somaliland ballan-qaadeen.

Somaliland iyo Puntland,ayaa loolan adag uga jira sidii ay midba midka kale uu deegaanno cusub ugu wareeriga, xeelad kasto hau maree,waxaana xusid mudan in tiro ka dhowr jeer ah ay labadan Maamul ku dagaalameen deegaanno hoosyimada Gobolka Sool, oo ay labada dhinac wada sheegayaan in midkasta uu asiga ka arimiyo.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s