Ciidamo katirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa Saakau Xiray inta badan Wadooyinka Caasimada Muqdisho, kuwaa oo dadka iyo gaadiidkaba u diidaya iney maraan meelaha qaar ee amaankooda aadka loo ilaaaliyo.
Saakay waa ay ka duwan tahay Subaxyadii hore sidii loo xari jiray Wadooyinka maadama saakay ciidamo badan lagu daadiyay wado walba oo xitaa saakay aan loo ogoleen Mooto Bajaajka iney marto wadoyinka qaar.
Ilo Xog ogaal ah ayaa Kalsantv u sheegay Sababta loo Xiray wadooyinkaasi iney tahay, maadaama ay Saacadaha soo socda la filaayo iney Muqdisho soo gaaraan Madaxweynayaasha Maamulada Jubbaland Iyo Puntland oo Shir la yeelanaya Madaxweyne Farmaajo.
Kulanka Labadada Hogaan Gobaleed Iyo Madaxda Qaran gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dhacaya Muqdisho sida wararka qaarka sheegayana inuu ka dhici doono Xadunta ciidamada Ajaanibta ee Xalane.