Bom gacmeed ayaa caawa lagu tuuray xafiiska wasaaradda maaliyadda ee magaaladda Borama.
“Abaaro 20 daqiiqo ka hor ama 11:50 pm waxa aan maqalnay dhawaq xoog wayn iyo quruurux jiingada guriga noogu soo daatay. Ka dib waxa isku soo baxay dadkii jaarka ahaa, waxa la iswaydiiyay waxa uu ahaa iyo halkuu ka dhacay. Ka dib waxa aan la hadlay ilaalada wasaarada Maaliyada oo aanu isku dhagsan nahay, waxayna ii sheegeen in bam ku soo dhex dhacay daarada wasaarada maaliyada, falidhkii ka soo duulayna uu gawaadhida dhextaala muraayada qaarkood ka jabiyay, qacdii ka baxdayna ay ahayd qarixii bambada.
Way iska cadaan doonaan wax weliba aroorta ee nabad ha lagu seexdo ”
Cabdirashiid Jaamac Gudoomiyaha garabka dhalinyarada xisbiga Waddani ayaa sidaa qoray .