Farmaajo, Deni iyo Axmed Madoobe oo kulan deg deg ah goordhow isugu imanaya

Madaxtooyada Soomaaliya waxaa manata ka dhaceysaa kulan quraac ah oo ay wada yeelanayaan madaxweynaha dalka Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo iyo madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubaland Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Madoobe.

Kulankan ayaa qeyb ka ahaa heshiis xalay ay wada gaareen Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe, waxaana quraacda kadib la yeelan doonaa fadhi aan caadi eheyn, kaasoo lagu jeex jeexi doono ajendaha kulanka weyn ee madaxdu ay yeelanayaan maalmaha soo socda.

Warar hoose oo ay heshay warbaahinta Xaldoon.Net, ayaa sheegeysa in fadhiga maanta uu noqon doono mid lagu dhameeyo wax kasta oo tabasho iyo kala shaki ah oo saddexda mas’uul ee isku reerka ah u dheeeya, iyadoo intaasi kadib la filayo in laguda galo sidii dhinac la isugu raaci lahaa nooca ay noqoneyso doorashada dalka ka qabsoomeysa.

Inkastoo nooca doorasho ee dalka la isugu soo raacay shirkii 3-aad ee Dhuusa-Mareeb, hadana waxaasoo dhan waxey noqdeen wax meel la isaga xooray, maadaama ay maqnaayeen madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s