Ururka Al-Shabaab ayaa weerar is-miidaamin ku qaaday deegaanka Janaay-Cabdalla oo 60-KM dhanka bari uga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka ayaa ku bilaawday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qaraxa, waxaana lagu qaaday saldhig ay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Janaay-Cabdalla.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaas uu geystay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo bur-bur, waxaana gaariga qarxay xigay weerar toos ah oo lagu qaaday saldhigaas oo maalmo ka hor lagala wareegay Al-Shabaab.

Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa qortay in ururku uu sheegtay mas’uuliyadda qaraxaas iyo weerarkii ka dambeeyay, iyagoo guulo ka sheegtay.

Warka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxaasi ay ku dhinteen afar askar Mareykan ah iyo 16 kale oo kuwa Soomaaliya ah.

Dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka weli kama aysan hadlin weerarkaas iyo sheegashada Al-Shabaab ee ah in tiradaas ay ku dhimatay.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa weerar is-miidaamin ku bilaawday maanta ku qaaday deegaanka Janaay-Cabdalla oo 60-KM dhanka bari uga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka ayaa ku bilaawday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qaraxa, waxaana lagu qaaday saldhig ay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Janaay-Cabdalla.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaas uu geystay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo bur-bur, waxaana gaariga qarxay xigay weerar toos ah oo lagu qaaday saldhigaas oo maalmo ka hor lagala wareegay Al-Shabaab.

Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa qortay in ururku uu sheegtay mas’uuliyadda qaraxaas iyo weerarkii ka dambeeyay, iyagoo guulo ka sheegtay.

Warka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxaasi ay ku dhinteen afar askar Mareykan ah iyo 16 kale oo kuwa Soomaaliya ah.

Dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka weli kama aysan hadlin weerarkaas iyo sheegashada Al-Shabaab ee ah in tiradaas ay ku dhimatay.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s