Ciidammo Al-Shabaab ka tirsan oo xoog ku galay magaalada Balcad

BBC

Wararka ka imanaya magaalada Balcad ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab ay xoog ku galeen magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamo aad u hubaysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay dhowr jiho ka weerareen magaalada Balcad oo qiyaastii 30km waqooyiga uga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Ciidankaas ayaa la sheegayaa inay markiiba la wareegeen xarumihii dowladda hoose ee magaalada, sida xarunta dhexe ee maamulka iyo saldhiggii booliskaba.

Ciidammada dowladda ee halkaas ku sugnaa ayaa la sheegayaa in markii dambe ay dib uga gurteen daanta ay magaalada ka deggan yihiin ciidammada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s