Taliska Booliska oo war ka soo saaray kiiska gabar dil iyo kufsi loogu geystay Muqdisho

Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa war ka soo saaray kiiska gabar la sheegay in dil iyo kufsi loogu geystay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Qoraalka ka soo baxay taliska booliska ayaa lagu sheegay in shalay saldhigga degmada Waaberi ay soo gaartay warbixin sheegeysa in Xamdi Maxamed Faarax laga soo tuuray guri-dabaq ah oo ku yaalla waaxda Maajo ee degmada Waaberi.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalkan in marxuum Xamdi oo 19 aheyd ay reerkeedu deganyihiin degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Allaha u naxariistee Xamdi waxay ka mid aheyd ardaydii sanadkan gashay Imtixaankii shahaadiga ahaa ee dowladda.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, oo ka duulaya warbixintii soo gaartay ayaa goobta tegay. Isla markaasna marsiiyay nadaamka lagu maamulo goob danbi ka dhacay, waxaan bilownay baarista, aruurunta cadeymaha iyo gacan ku dhigista eedeysanayaasha oo aan gacanta ku hayno ilaa 4-qof, kuwaas oo ay ku socoto baaris qoto-dheer” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkan ka soo baxay taliska Booliska Soomaaliya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s