-Gobolka Gardafuu oo dhacay bariga durugsan ee Puntland ayaa waxaa lagu soo bandhigay ciidamado cusub oo hogaamiyayaashoodu ay sheegeen inaysan katirsanayn maamulka Puntland.
Ciidamo cusub oo loogu magac-daray difaaca Goballa Gardafuu kana madax banaan Puntland ayaa waxaa taliyaha wata uu sheegay inay tababar u soo xireen qaybtoodii labaad oo la qalabeeyey sida uu hadalka u dhigay.
Taliyaha ciidankan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in aysan Puntland ka tirsaneyn oo ay toos uga mid yihiin ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee dowladda federalka ah.http
Hadalka taliyaha ee ah inay katirsan yihiin ciidanka dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa waxa ay xoojinaysaa eedaymo horay Puntland ugu jeedisay DFS oo ay sheegtay inay burburin ku waddo, waxaana ciidankaan ka muuqda derees, hub iyo agab cusub.

