
Cali Mahdi Maxamed oo ka mid ah madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ayaa maanta ku baaqay in dadka Soomaaliyeed loo qabto shirweyne qaran oo ay isku saamaxaan.
Cali Mahdi oo hadalkan ka jeediyey xaflad ay beelaha Hawiye ku soo dhaweynayeen madaxda dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir oo Muqdisho ka dhacday ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed 30-kii sano ee lasoo dhaafay uu dhib badan kala gaaray maanatana ay isku baahanyihiin.
Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayuu ku amaanay tanaasulkii uu ka muujiyey heshiiskii doorashooyinka ee dhawaan la gaaray, isagoo sheegay in hadii uusan tanaasuli laheyn dowladnimada Soomaaliya burbur khatar ugu jiri laheyd.
Mahadweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi ayaa madaxda dowlad goboleedyada oo dhamaantood ku sugnaa xafladaas ka dalbaday inay qabtaan shir-weyne Qaran oo la isugu keenayo dadka Soomaaliyeed ee ku kala irdhoobay colaadihii sokeeye ee dalka ka dhacay.
Waxa uu sheegay in cudurka ka dhashay colaadihii dalka ka dhacay uu sii jiraayo illaa dadka Soomaaliyeed la isugu keenaayo shir weyne ay isaga saamaxaan wixii kala gaaray.