
Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo kulan wadajir ah ku leh xarunta Villa Hargeysa ayaa cod u qaaday heshiiska doorashooyinka dalka ee 2020/2021.
Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ku dhawaaqay natiijada codeynta ayaa sheegay in 252 xildhibaan ay ogolaatay ansaxinta sharcigaas.
Tirada guud ee xildhibaanada uu kooramku furmay ayaa ahaa 255 mudane, waxaana ka aamustay laba xildhibaan, halka mid kalena uu diiday.
17-kii bishan ayey Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyadu Villa Soomaaliya ku gaareen heshiiskan oo 15 qodob ka kooban.
Qodobka 11-aad ee heshiiskaas ayaa dhigayey in la hor geeyo baarlamaanka si ay u ansixiyaan, waxaana la hor geeyey maanta oo ay ansixiyeen.