Madaxweynaha Kenya oo diiday in dalkiisa laga fuliyo duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab

 0Share

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha dalka Kenya  Uhurru Kenyatta oo wareysi dheer ah siiyay warbaahinta France24, ayaa waxa uu  sheegay in uusan ogolaan doonin in milatariga Mareykanka ay duqeymo cirka ah ka geystaan gudaha Kenya, isagoo beeniyay wararka sheegayay in Aqalka Pentagon-ka uu oggolaasho weydiistay Kenya.

Wargeyska New York Times ayaa bishii la soo dhaafay shaaciyay in milatariga Mareykanka ay oggolaasho u raadsanayaan inay duqeymo cirka ah ka gaystaan qeybo ka tirsan bariga Kenya, iyagoo ku beegsanaya dagaalamayaasha Alshabaab .

“Howlo argagixiso way jiraan balse saldhigyo argagixso kuma lihin gudaha Kenya. Sidaas darteed, ma jirto waxaas,” ayuu ku yiri madaxweyne Kenyatta oo wareysi siinayay Farance24 ee ku yaalla dalka Faransiiska halkaas oo maalmahan uu booqasho rasmi ah ku joogay.

Weerar ay bishii January Al-Shabaab ku qaadeen saldhig Mareykanku ku leeyahay Kenya ayaa waxaa ku dhintay hal askari oo Mareykan ah iyo labo kale

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s