7 Shabaab ah oo wata jaakado qaraxyo ka buuxaan oo soo galay Muqdisho iyo meelaha ay…..

Macluumaad ay ka heshay warbaahinta Xaldoon Media saraakiil ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayey ku ogaatay in caasimadda dalka ay soo galeen xubno Shabaab ah, kuwaasoo wata jaakado ay qaraxyo ka buuxaan.

Sida xogta aynu ku helnay, xubnahan oo Rag iyo Dumar isugu jira ayaa doonaya iney bartilmaameedsadaan xubnaha dowladda, saraakiisha ciidamada iyo meelaha ay dadka shacabka ah ku badan yihiin.

” waxa ay ahaayeen 8 ruux, mid kamida oo Dumar eheyd waxey isku qarxisay Caana Geel oo kamid ahaa  Saraakiisha ciidamada dhar cadka ee Bakaaro ka howl gala, hadda waxaa haray 7 ruux, maalmaha soo socda ayey weeraradooda fulin rabaan” ayuu Xaldoon Media u sheegay sarkaal NISA ah oo magaciisa sababo amni u qariyay.

Meelaha shacabka lagu beegsan karo ayuu ku sheegay iney qeyb ka tahay maqaayadaha xiliyada saqdii dhexe ee habeenkii dhalinyarada fariistaan, iyagoo Shabaab rumeysan in dadkaasi ay yihiin shaqaalaha dowladda.

Ciidamada NISA oo macluumaadkan ka duulaya ayaa kordhiyay howlgalada lagu baadi goobayo Todobadan qof ee Shabaabka ah, kuwaasoo wata jaakado laga soo buuxiyay walxaha qarxa, iyadoo awoodii Shabaab ay ku soo uruurtaan iney is qarxiyaan dad socda.

Arintan waxaa loo aaneenayaa in laamaha amaanka ee dowladda ay kordhiyeen goobaha lagu baaro gaadiidka, iyadoo ay adag tahay in la iska soo daayo gaari aan la aqoon waxa uu yahay qofka wata.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s