Puntland oo shaybaarka Covid19 geysey magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda Puntland ayaa magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag waxa ay ka furtay goob lagu baari doono dadka isaga shakisan fayruska Safmareenka ah ee Covid19.

Waxa ay wasaaraddu sheegtay in u jeedada hirgelinta xaruntaani ay tahay sidii loona gaarsiin lahaa inta badan gobolada Puntland xarumaha shaybaarka ee lagu baaro Covid19 ayaa magaalada Baran ee Gobolka Sanaag ka dhigtay midii 4aad ee laga furo.

Shaybaarkaan waxaa la sheegay inuu caawimaad dhanka baaritaanka ah iyo latalin siin doono shacabka kunool gobolada Sanaag iyo Haylaan, waxaana uu meesha ka saari doonaa in dadka ku nool goboladaasi ay baaritaano usoo doontaan gobolada uu ka furanyahay.

Shaybaarkaan cusub ee laga hirgeliyey magaalada Badhan ayaa la sheegay inuu noqon doono midkii 4aad ee laga hirgeliyo deegaanada Puntland iyadoo ay horay uga furnaayeen Gobolada Nugaal, Bari iyo Mudug, waxaana wasaaraddu qorshaynaysaa in gobolada kalena laga furo.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s