Wararkii ugu dambeeyay Al-Shabaab oo gudaha u galay degmada Waajid

Warar hordhac ah ayaa kasoo baxaya Dagalamayaal katirsan Al-Shabaab oo xalay Weerar ku qaaday Saldhigga ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin Garoonka Diyaaradaha magaalada Waajid ee gobolka Bakool.

Al-Shabaab ayaa ka hor Dagaalka ay ku qaadeen magaalada waxa ay ku qaadeen Weerar madaafiic ah garoonka Diyaaradaha Degmada Waajid, halkaasi oo markii dambe uu ka dhacay Dagaal fool ka fool ahaa oo mudo ku dhax maray Magaalada Labada dhinac.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Al-Shabaab ay u suuragashay mudo kooban iney gacanta ku dhigaan Degmada Waajid oo markii dambe Saaka ay isaga baxeen.

Wali wax war ah kama soo bixin Ciidanka xoogga Soomaaliya iyo Al-Shabaab oo looga hadlayo Dagaalka ka dhacay Magaladaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya Xaalada Saaka iney tahay mid dagan oo aysan jirin Dhaq dhaqaaq ciidan marka laga reebo isku socodka magaalada oo u muuqda mid hakad ku jiro maadama kala wareeg uu dhacay.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s