War Deg-deg ah
Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in Ciidamada TPLF ay weerar ku qaadeen Xeryaha Ciidanka ee deegaanka Tigreega dagaalna ka socdo xeryahaas.
Abiy Ahmed ayaa shaaciyey in Ciidanka amar lagu siiyey inay xaqiijiyaan Midnimada iyo Qaranimada Itoobiya, isagoo intaas ku daray in dulqaadkii ka dhamaaday waxaanu yidhi.
“Ciidankeenna Difaacu waxay amar ku qabaan inay gutaan waajibaadkooda si ay u badbaadiyaan dalka.
Khadkii casaa ayaa la soo dhaafay. Awoodduna waa meesha ugu dambeysa ee lagu badbaadin karo dalka iyo dadka.
Waxaan ugu baaqayaa shacabka Itoobiya inay isdajiyaan, oo ay feejignaadaan dhibaatooyinka ka imaan kara, ayna garab istaagaan ciidamadeena difaaca.”