Askarigeyga ayaa ii sheegay in xilka la iga qaaday,wuxuuna ka arkay Facebooka madaxtooyada” Cumar

Gudoomiye Kuxigeenkii howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Cumar Cali Cabdi waxaa ku wargaliyay in xilkii laga qaaday mid kamid ah askartiisa ilaalisa, taasoo ku noqotay filan waa.

Mr. Cumar oo xiliga xil ka qaadistiisa ku guda jiray howlo nadaafadeed iyo dhisida bulaacado biyaha ay ka baxaan marka roobka uu biya dhigo caasimadda, ayaa kadis ku noqotay arintan.

” annagoo shaqadeena iska wadano ayaa mar kaliya mid kamida askarteyda ii soo orday, waa naxay oo waxaan is iri ma wuxuu arkay fal amni daro, balse iyadoo dadka i ag dhooban yihiin ayuu mar kaliya igu yiri Xilkii waa lagaa qaaday, fiiri Facebooka Villa Somaliya?” Ayaan ka soo xiganay suxufi xiligaasi goobta joogay.

Cumar Cali Cabdi oo ahaa gudoomiye kuxigeenka howlaha guud ee gobolka, ayaa durba deg deg ula xiriiray Duqa Muqdisho Cumar Finish, kaasoo u sheegay in isaguba arintan uu ka arkay Facebooka Villa Somaliya oo kaliya.

Mas’uulkan ayaa xilka hayay oo kaliya mudo ku siman Lix bilood, iyadoo aan la ogeyn waxa rasmi ahaan ay salka ku heyso xil ka qaadistiisa.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s