Xulka Gobolka Daadmadheedh oo loo Diiday in ay Burco Yimaadaan

Gudida Nabad Gelyada Gobolka Togdheer oo ay ugu horeeyaan Badhasaabka gobolka Togdheer iyo Maayirka degmada Burco ayaa sheegay inaanay iman karin Burco Xulka Gobolka Daadmadheedh iyagoo sita Koobka Ciyaaraha 2020 ee ay soo qaadeen.

Gudoomiyaha gobolka Togdheer ayaa Go,aankaasi ku sababeeyay Arin la xidhiidha dhanka Nabadgelyada.

Waxaana Gudoomiye maxamed diiriye xayd uu xusay in debaal degii xalay ka dhacay magaalada Burco oo isu bedelay mid rabshado wata oo ay ka dhasheen khasaare maaliyadeed.

Wuxu sheegay gudoomiyuhu in xafiiskiisa saaka loo soo gudbiyay in ka badan 65 gaadhi oo la burburiyay, guryo la waxyeelay iyo khasaare kale. Isla markaana ay uxidhan yihiin dad aad utiro badani.

Maayirka Burco ayaa dhankiisa sheegay inaanay burco soo geli karin xulka Gobolka daadmadheedh oo Koobka sita balse ay yihiin muwaadiniin iman kara markay danahooda gaarka ah usocdaan.

Go.aankan ay gaadheen gudida nabad gelyadu ayay diideen inay la wadaagaan oo ay mariyaan Saxaafada balse waxay sheegeen inay nidaam dawladeed umariyeen fariintooda gaadhsiiyeena maayirka iyo maamulka Gobolka Daadmadheedh.

Go,aankan ayaa yimi kadib markii shalay uu ka dhawaajiyay maayirka Oodweyne inay koobka ay qaadeen ka dejin doonaan xaeunta Gobolka Togdheer ee magaalada Burco.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s