Mahad Salaad oo si adag ugu jawaabay Cumar Filish kadib hanjabaadiisii musharaxiinta

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ka fal-celiyey hadalkii maanta ka soo yeeray guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Filish, waxuuna u soo jeediyey in aysan soo adeegsay madaxweyne Farmaajo iyo agaasime Fahad.

“Cumar Finish wuxuu yiri musharaxiinta meeshii lagu arko halagu dilo. Cumarow qoriga dabka ah ee Fahad iyo Farmaajo kuu soo dhiibeen dhulka iska dhig adigu haku gubanine” ayuu Mahad Salaad ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga.

Cumar Filish oo maanta ka hadlay kulan lagu taageerayay Farmaajo ayaa yiri, “Maanta in nalagu handado Hawiye ayaan ahay qori ayaan soo qaadanayaa sax miyaa? dhinaca kale fiiriya Ra’iisul Wasaare Rooble Hawiye maaha miyaa? anigu gudoomiyaha gobolkaan ahay, gobolkaan mas’uuliyadiisa amni anigay i saaran tahay, Hawiye maahi miyaa? mise duurkaan ka imid. Kuma dhici karaan inay qash-qashaadaan xasiloonida aan wada ognahay inta wiil ee nooga dhimatay, ogaada kuwa soo diray ayey u muujinayaan inay u shaqeeyaan, xaqiiqadu waa sidaas, hadii ay isku dayaan inay qalalaase abuuraan Alle ayaa inoo sheegay talaabta aan ka qaadi doono.”

Qoraalka Mahad Salaad ayaa intaas ku sii daray, “Hadii dhago wax maqlaa kugu yaalaanna, dad dilow hakuu dambeeyo ee duqiyow xarunta dowlada hoose Gudoomiyaha aad ka tahay ee halka asbuuc korontadu ka dansantahay biilkeeda iska bixi.”

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s