Musharixiinta Mucaaradka oo ku hanjabay inay qaban doonaan doorasho

Musharraxiinta mucaaradka ah ee xilka madaxtinimo ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in la kala diro dhammaan guddiyada doorashooyinka dalka xilli ay soo gabagabeeyeen kulan maalmihii lasoo dhaafay uga socday magaalada Muqdisho.

Waxay sheegeen in guddigan lagu soo daray xubno ka tirsan shaqaalaha dowladda gaar ahaan nabadsugidda iyo sirddoonka, shaqaalaha maamulka, shaqaalaha madaxtooyada iyo shakhsiyaad taageero u ah madaxweynaha.

Musharraxiinta mucaaradka waxay ku hanjabeen inay qabaan doorasho kale waa haddii dowladda ay ku adkeysato in aan wax laga baddalin hanaanka doorashada ee haatan muranka badan dhaliyay.

“Haddii Dowladda Federaalka ah ay qaaddo tallaabo lagu taabbagelinayo doorasho aan heshiis lagu ahayn, wuxuu Goluhu caddaynayaa in isaga oo kaashanaya qaybaha kala duwan ee bulshada iyo dawlad goboleedyada uu ka shaqeynayo hannaan doorasho oo dalka lagu badbaadinayo si uusan u dhicin firaaq awoodeed iyo mid dastuuri ah.” Ayaa lagu yiri war murtiyeedka kasoo baxay mucaaradka

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s