Wasiirka Arimaha Dibedda oo latashi la yeeshay Safiirka Somaliya e Kenya kadib u yeeriddiisiii

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo latashi la yeeshay Safiirka Soomaaliya ee Kenya kadib u yeeririddiisa

Muqdisho, 30 Nofembar, 2020 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa maanta oo Isniin ah kula kulmay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Jamhuuriyadda Kenya, Mudane Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan”, kadib markii loogu yeeray shalay oo Axad ahayd inuu dalka dib ugu soo laabto, si loola yeesho wadatashi ku qotoma xiriirka Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka Arimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa talooyin iyo tilmaamo siiyay Safiirka si uu u fuliyo, lana socdo, halka Danjire Maxamuud Tarsan uu wasiirka uga warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay.

Waxaa xusid mudan in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay ugu yeeratay Safiirkeeda Nairobi wadatashi, halka Safiirka Kenya ay ku wargelisay in uu dib ugu laabto dalkiisa, iyadoo ka jawaabeysa faragelinta qaawan ee kenya ay ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya gaar ahaan Jubaland.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s