Guddiga doorashada heer Federaal ee ay Xukuumadda magacawday ayaa maanta doortay Guddoomiya.
20 xubnood oo goobjoog ka ahaa madasha ay ka dhacday doorashada ee Hotel Decale ayaa waxaa Guddoomiye loo doortay Maxamed Xasan Maxamed oo helay 17 cod.
Tallaabadan,ayaa ka dhigan in aan dheg jalaq loo siinin baaqii ka soo baxay Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha.
Golaha Midowga Musharaxiinta,ayaa magacaabay Guddiga Badbaadinta Doorashooyinka oo ka kooban 28 xubin.