Goodax Barre oo shaaciyey qorshe laga lahaa doorashadii Jowhar kana hadlay mowqifka reer Hiiraan

Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya kana mid ah xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre ayaa hoggaanka dowladda federaalka ku eedeeyey inay masuul ka tahay xaalada khasan ee gobolka Hiiraan.

Goodax Barre ayaa dowladda ku eedeeyey inay boobtay doorashadii HirShabeelle ee ka dhacday magaalada Jowhar, si buu yiri loo soo xulo xildhibaano mar kale soo doorta madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaan Cabdullahi Goodax ayaa sheegay in shacabka reer Hiiraan aysan marnaba ku qanci doonin sida ay u dhacday doorashada HirShabeelle, isla markaana ay go’aansadeen inay ka tashadaan kasii mid ahaanshaha HirShabeelle.

Muran xoog leh ayaa ka taagan doorashadii uu ku soo baxay madaxweynaha maamulka HirShabeelle Cali Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed.

Cali Guudlawe oo isku dayey dhowr mar inuu gaaro magaalada Beledweyne waxaa ka hor istagay maleeshiyaad hubeysan oo diidan in magaalada uu tago, waxaana halkaas laga aasaasay jabhad hubeysan oo uu hoggaamiyo Jeneraal horay uga tirsanaa milateriga Soomaaliya oo lagu magacaabo Abuukar Xuud.

Guddoomiyaha baarlamanka HirShabeelle Cabdixakiin Luqmaan iyo Yuusuf Dabageed oo gaaray Beledweyne ayaa horay ugu guul dareystay inay xaliyaan tabashada shacabka Hiiraan. Sidoo kale waxay ku guul dareysteen inuu magaaladaas tago madaxweyne Cali Guudlaawe

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s