Madaxweynaha Somaliland Oo La Sheegay Inuu Toddobaadkan Booqasho Rasmiya Ku Tagayo Dalka Kenya

– Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti uu hoggaaminayo ayaa la sheegay inay Toddobaadkan socdaal ku tagi doonaan Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.

Ma jiro War Rasmiya oo Madaxtooyada Somaliland ka soo saartay arrintan, balse ilo-wareedyo muhiim ah ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu Toddobaadkan gudihiisa safar ugu baxayo dalka Kenya.

Warka ayaa intaa ku daraya in Madaxweynaha Somaliland uu halkaa kula kulmi doono Madaxda Dawladda Kenya oo uu ka mid yahay Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Lama uga waxyaabaha labada Madaxweyne ka wada-hadli doonaan, balse Safarka Madaxweynaha Somaliland ku tagi doono Kenya ayaa ku soo beegmaya laba Toddobaad uun ka dib, markii khilaaf diblumaasiyadeed soo kala dhex galay Dawladda Soomaaliya iyo Dawladda Kenya.

Dawladda Soomaaliya oo cabasho ka qabta in Kenya faro-gelin ku hayso Arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa u yeedhatay Safiirkii u fadhiyey Nairobi, halka ay ka caydhisay Safiirkii Kenya u joogay Caasimadda Muqdisho.

Somaliland iyo Kenya ayaa leh xidhiidh, waxaana Somaliland xafiis ku leedahay Magaalada Nairobi, halka Kenya dhowr jeer ballan-qaaday inay Xafiis ka furanayso Somaliland, balse illaa hadda taasi ka hirgelin.

Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti uu hoggaaminayo ayaa la sheegay inay Toddobaadkan socdaal ku tagi doonaan Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.

Ma jiro War Rasmiya oo Madaxtooyada Somaliland ka soo saartay arrintan, balse ilo-wareedyo muhiim ah ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu Toddobaadkan gudihiisa safar ugu baxayo dalka Kenya.

Warka ayaa intaa ku daraya in Madaxweynaha Somaliland uu halkaa kula kulmi doono Madaxda Dawladda Kenya oo uu ka mid yahay Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Lama uga waxyaabaha labada Madaxweyne ka wada-hadli doonaan, balse Safarka Madaxweynaha Somaliland ku tagi doono Kenya ayaa ku soo beegmaya laba Toddobaad uun ka dib, markii khilaaf diblumaasiyadeed soo kala dhex galay Dawladda Soomaaliya iyo Dawladda Kenya.

Dawladda Soomaaliya oo cabasho ka qabta in Kenya faro-gelin ku hayso Arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa u yeedhatay Safiirkii u fadhiyey Nairobi, halka ay ka caydhisay Safiirkii Kenya u joogay Caasimadda Muqdisho.

Somaliland iyo Kenya ayaa leh xidhiidh, waxaana Somaliland xafiis ku leedahay Magaalada Nairobi, halka Kenya dhowr jeer ballan-qaaday inay Xafiis ka furanayso Somaliland, balse illaa hadda taasi ka hirgelin.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s