Muxuu R/Wasare Rooble u sheegay Isimada Puntland

Kadib isfaham waagii ka dhashay Kulamadii ay wada qaateen Ra’isulwasaare Rooble iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi deni waxaa garoowe uu ka Bilaabay Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen rooble Kulama Uu la qaadanayo Odayaasha Dhaqanka Puntland Ee ku sugan Garoowe Isagoo Ra’isulwasaaruhu ugudbinayo Tabashooyin uu ka qabo Madaxweyne Deni.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Roble uu warbixin ballaaran ka siiyey Isimada iyo salaadiinta Puntland xaaladda siyaasadeed ee wadanku marayo, khaasatan caqabadaha hortaagan arrimaha doorashooyinka oo ay ugu wayn tahay sidii Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu u fulin lahaa heshiiskii siyaasadeed ee la gaaray 17kii Sebteembar 2020.

Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Isimada Puntland si gaar ah uga cawday Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland isagoo usheegay hadii ay diidaan iney fuliyaan heshiisyadii Doorashooyinka Ee Lagaaray in Dowlada Fedaraalka ay qaban doonto Doorasho waqtigeda kudhacdo hadii Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ay ka Dhaga adeegaan Magacaabista Gudiyada doorashooyinka Ee Kudhiman labadaas Maamul.

Kulanka dhexmaray Isimada Puntland iyo Ra’isulwasaare rooble ayaa ku dhamaaday in Rooble ka codsaday in isimadu War cad ka keenaan Siciid Cabdulaahi Deni ayna qaataan Doorkooda Dhaqameednimo ee uga Aadan Khilaafka Ka taagan Doorashooyinka Dalka.

Xogtaan waxaa Nala wadaagay Ilo katirsan Xafiiska Ra’isulwasaaraha.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s