QODOBADA UGU WAAWEYN EE UHURU IYO BIIXI AY KU HESHIIYEEN
Kenya inay Xafiis Qunsuliyad ka furato Hargeysa dhammaadka bisha Maarso 2021
In Kenya Airways iyo shirkadaha kale ee Kenya ay billaabaan duulimaadyo toos ah Nairobi – Hargeysa dhammaadka bisha Maarso 2021
In saraakiisha sare oo liiskooda la sii qorsheeyay, ee u safraya Kenya ee sita dikumiinti safar ee Somaliland ay dalban karaan dalkugal elektaronig, kuna qaataan visa marka ay yimaadaan dhammaadka Maarso 2021.
Saraakiil sar sare oo labada dhinac ayaa ka shaqeyn doonaa ballaarinta wada shaqeynta farsamo, oo ay ku jiraan hirgelinta barnaamijyo wax is-dhaafsi sida ardeyda, saraakiisha beeraha, dhakhaatiirta iyo xirfadlayaasha kale.