Mustaf Dhuxulow oo ka hadlay xafladii laga joojiyey aadna u eedeeyey Farmaajo iyo Fahad

Musharax Madaxweyne Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ahna Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ayaa caawa ka hadlay kulan lagu taageerayey oo ay ka hor istaageen ciidamada ammaanka, kaas oo ka dhici lahaa Hotelka Afriik ee magaalada Muqdisho.

Musharax Dhuxulow ayaa sheegay in kulankaas ay soo qaban qaabiyeen dhalinyaro isaga taageersan, isla markaana lagu soo dhaweynayey musharaxnimadiisa, waxuuna tallaabadaas ku eedeeyey Taliska hey’adda Nabad sugidda.

Ciidamo isugu jira boolis iyo Nabad sugid ayuu sheegay inay hor istaageen xafladaas, balse markii uu la xariiray Taliska guud ee Nabad sugidda ay u cadaatay in ku talagal looga hor istaagay kulankaas lagu taageerayey.

“Waxaa cad in aysan ogoleyn in dalkan ay doorasho ka dhacdo, waxaa cad in aysan ogoleyn in lala tartamo, waxaa cad inay rabaan in dalka ay ku heystaan xukun kali talisnimo ah, Farmaajo dalkan waa lagu soo dhaweyey, markii loo doortana qof uu xiro iyo qof uu handado ayuu ka dhigay dadkii” ayuu yiri Mustaf Dhuxulow.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Dadka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyihiisa Nabad sugidda Fahad Yaasiin aan dalka iyo dadka lagu aamini karin, waxaana ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed inay talo ka yeeshaan xaaladda dalka, sababtoo ah annagii madaxda aheyn oo dalka ka soo shaqeynay oo siyaasadda ku jirnay ayaa meel aan ka marno la’ nafteena ayaa maanta halis ku jirta, bal iska daa dadkii nataageerayee

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s