Faahfaahino ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay Gaalkacyo

e

Inta la xaqiijiyay 30 qof oo shacab iyo ciidan isugu jira ayaa ku dhintay kadib markii qof isku xiray waxyaabaha Qaraxa uu isku qarxiyay banaanka garoonka kubadda cagta Cabdullaahi Ciise ee Gaalkacyo oo ay ka socotay soo dhawaynta Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in xilliga qaraxu dhacayey ay garoonka galayeen saraakiil ciidan oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka.

Saraakiisha  la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qaraxa ayaa waxaa ka mid ah, Taliyihii Danab ee Galmudug Gen.Mukhtaar, Taliye Ku-xigeenkii ciidanka Danab ee magaalada Gaalkacyo dhanka Galmudug Generaal Maarsho.

Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay duqii hore ee Gaalkacyo ee dhinaca Puntland Maxamuud Yaasiin Axmed Tumay.

Waxaa dhaawac culus oo soo gaaray u geeriyooday taliyahii qeybta 21-aad ee Ciidanka xooga Qooje digaari.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weerarkaas kadib war qoraal ah oo kasoo baxay oo lagu faafiyey warbaahinta ku hadasho afkooda.

Xaaladda guud ee magalaada  ayaa caawa kacsan, mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee qeybta Galmudug ee koofurta Gaalkacyo.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s