Qarax ma’uuliyiin iyo shacab ay ku dhinteen oo ka dhacay Gaalkacyo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarruunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo la la beegsaday illaalada Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Qaraxa oo sida la sheegay uu fuliyay ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa waxaa uu ka dhacay irida garoonka kubadda Cagta ee magaalada Gaalkacyo dhanka Galmudug, iyadoo halkaasi ay ka socotay soo dhawaynta Ra’iisul wasaare Rooble.

Warar horedhac oo ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxan ayaa sheegaya in ay ku geeriyoodeen dad shacab ah iyo saraakiil ciidan oo uu kamid yahay taliye xigeenkii Danab ee Marsho, waxaa dhaawac culus soo gaarey taliyaha Qeybta 21-aad Generaal Qooje iyo saraakiil kale.

Dadka dhintay ayaa sidoo kale waxaa ku jira Guddoomiyihii hore ee degmada Gaalkacyo qaybta Puntland Maxamuud Yaasiin Tumey.

Wixii ka soo kordha halkaan kala soco

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s