Wafdi uu hor kacayo MW Farmaajo oo goor dhaw u ambabaxay Jabuuti

 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw u ambabaxay dalka Jabuuti, halkaas oo uu uga qeyb geli doono shir deg-deg ah oo madaxda dalalka ku bahoobay urur goboleedka IGAD ay uga arrinsanayaan xaaladda gobolka.

“Madaxweynaha iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku wehelinaya shirkan ayaa madaxda dalalka IGAD hor dhigi doona aragtida dowladda federaalka Soomaaliya ee ilaalinta madax-bannaanida waddamada ku mideysan IGAD, daris wanaagga, xasilloonida iyo nabadda Gobolka Geeska Afrika” ayaa lagu yiri war ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Qoraalka madaxtooyada ayaa intaas ku sii daray, “Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan doceedyo la qaadan doona Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah IGAD, si loo xoojiyo doorka dalkeennu uu ka qaadanayo qorsheyaasha wadajirka ah ee heer Gobol, kuwaas oo ku dhisan wax-wada qabsi, iskaashi dhaqaale, amni iyo siyaasadeed.”

Diblomaasiyiinta dowladda federaalka Soomaaliya ee safarka Madaxweynaha ku wehelinaya waxa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed Danjire Yuusuf Garaad Cumar Axmed.

Soomaaliya ayaa xiriirkii diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya Kenya u jartay 29-kii November, inkastoo ay Kenya sheegtay inay ka qowmameyneyso tallaabada ay qaaday Soomaaliya, isla markaana ay guddi u saareyso xal u helidda arrintaas.

 War kale oo ka soo baxay Kenya ayaa lagu sheegay in dowladda Kenya ay dacwad ka dhan ah Soomaaliya u gudbineyso ururrada IGAD, COMESA iyo Midowga Afrika.

“Dowlada Soomaliya waa ay deg degtay ma aheyn, Anagoo Walaalahood ah in ay xiriirka noo Jaraan, waxaan nahay  deris iyo Saaxiibo aan kala maarmin hadana kama aarsan doono balse waxaan Cabashadeena u gudbin doonaa IGAD, COMESA iyo African Union si naloo heshiisiiyo.” ayuu yiri afhayeenka dowladda Kenya Cyrus Oguna oo warbaahinta kula hadlay Nairobi

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s