Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Addis Ababa

Saddex qof ayaa maanta geeriyootay, kadib markii ay qaraxday bambo gacmeed meel looga tagay bartamaha caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, sida ay ku warameyso wakaaladda wararka ee dowladda Itoobiya.

Wakaaladda ayaa warisay in qaraxu uu ka dhacay deegaanka Lideta oo u dhow bartamaha caasimadda, iyadoo intaa ku dartay in qaraxa ay ku dhinteen saddex qof ayna ku dhaawacmeen shan kale.

Qaraxa ayaa dhacay xilli uu gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi muddo lix toddobaad ah ka socdo dagaal u dhexeeya ciidamada federaalka iyo ururla TPLF, laakiin ma jirto wax tilmaamaya in uu xiriir ka dhexeeyo qaraxa iyo colaadda gobolkaasi.

“Waxaa socda baaritaan la xiriira qaraxa, shacabkana waa lala wadaagi doonaa marka uu baaritaanku dhamaado,” ayay wakaaladdu warisay.

Tan iyo markii xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ay 4-tii November duullaanka ku qaadday gobolka waqooyiga ku yaalla ee Tigray, waxaa jiray dhowr qarax oo yar yar oo ka dhacay magaalada Addis Ababa.

Booliska federaalka ayaa ku eedeeyay qaraxyada qaar kooxda TPLF, laakiin ma aysan keenin caddeymo ay ku taageerayaan sheegashadooda.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s