DFS oo sheegtay in dad loo qabtay saraakiishii lagu dilay Galgaduud

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen wadada xiriirisa degmooyinka Guriceel iyo Balanballe ay kusoo qabteen ilaa 7 Ruux, kuwaas oo mudooyinkii dambe ay Ciidamada ku raad joogeen.

Dadka la soo qabtay ayaa ku eedeysan dil dhowaan duleedka degmada Balanballe loogu geystay saraakiil ka tirsanaa milatariga Soomaaliya.

Saraakiisha ciidanka xoogga ee hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay in raggan qaarkood ay ku qabteen guryo ay ku dhuumaaleysanayeen, halka kuwa kalana iyagoo gadiid ku safraya gacanta lagu soo dhigay.


Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in raggan howlgalka lagu soo qabtay la horgeyn doono caddaaladda, islamarkaana sharciga la marsiin doono

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s