Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Balcad

Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee gobolka shabeelada dhexe ayaa sheegaya in labo qarax oo nooca miinada lala beegsaday ciidamo ka tirsan milatariga soomaaliya, kuwaasi ku sugnaa kontorool ku yaala wadada laga soo galo degmadaasi.


Inta la xaqiijiyay labo qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday qaraxa, halka 8 kalana ay ku dhaawacmeen,oo isugu jira shacabka iyo ciidan.


Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in labo qarax oo nooca miinada ah ay ka maqleen gudaha degmada Balcad ee gobolka shabeellada dhexe.

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa halkaasi ka bilaabay baaritaanka la xiriira qaraxan, waxayna xireen goobta uu qaraxa ka dhacay.

Ilaa iyo hadda qaraxan kama aysan hadal Taliska ciidanka xoogga ee ku sugan Gobolka Shabeelada dhexe iyo Maamulka degmada uu qaraxani ka dhacay ee Balcad.

Wadada xiriira Balcad iyo Jowhar ayaa waxaa dhowr mar ay Al-Shabaab ka geysteen weeraro jidgal ah,waxaana taasi ay sababtay in dowladda Soomaaliya ay dejiso Ciidamo amniga xaqiijiy

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s