Weerar lagu qaaday xarunta diiwaan gelinta Cod-bixiyaasha Somalilad ee Laascaanood

Qarax ayaa caawa ka dhacay magaalada Laascaanood ee xaruunta gobolka Sool, iyadoona lagu weeraray xaruunta diiwaan-gelinta Cod-bixiyaasha Somaliland ee magaaladaasi.

Qaraxa oo ahaa bambada nuuca gacanta laga tuuro, ayaa waxaa jugtiisa laga maqlay xaafadaha kala duwan ee Laascaanood.

Khasaaraha ka dhashay qaraxa lagu sheegay in uu waxyeelo u geystay xaruntii diiwaan-gelinta Cod-bixiyaasha Somaliland, waxaana ku dhaawacmay askar ka tirsan ciidamada Maamulka.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in goobta qaraxa ka dhacay ay soo gaareen ciidamo ka tirsan Somaliland, waxaana ay sameeyeen baaritaano lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay weerarka.

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa oo cabsi ku abuuray shacabka, oo ka walwalsan in la beegsado, haddii ay tageen goobaha diiwaan-gelinta Cod-bixiyaasha Somaliland

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s