Al-Shabaab oo in ka badan 50-gaari ku afduubtay Xarardheere

Wararka aan ka heleyno magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug waxay sheegayaan in ururka Al-Shabaab ay afduubteen in ka badan 50-gaari oo ay la haayeen dad ku nool magaaladaas.

Qof aan qarinay magaciisa, si aan loo dhibaateyn oo ku nool Xarardheere ayaa KNN u sheegay in Al-Shabaab ay gaadiidkaas dadkii lahaa xoog uga kaxeysteen.

Al-Shabaab ayaa gaadiidkaas ka afduubtay mid ka mid ah laba beelood oo ay diyo u kala qaadayeen, sida uu noo sheegay qofka aan wareysanay ee ku sugan magaalada Xarardheere.

Ururkan ayaa intii ay jireen gacanta ku hayey magaalada Xarardheere oo dhacda Koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya, isla markaana ah magaalo muhiim ah, maamulka Galmudug ayaana ku guul-dareystay inay ka xoreeyaan

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s