Gudoomiyaha Midowga Afrika oo war ka soo saaray dagaalkii Beled-Xaawo

Moussa Faki Mahamat Gudoomiyaha Midowga Afrika ayaa sheegay inuu ka walaacsanyahy xiisada kasoo cusboonaatay degaanada xadka ah ee Somalia iyo Kenya, gaar ahaan degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, oo shalay dagaal culus uu ka dhacay.

Moussa Faki Mahamat ayaa bartiisi Twitter-ka kusoo qoray “Waxaan si dhow ula socday dagaalkii ka dhacay Beled-Xawo iyo cabsida lasoo daristay dadka rayidka, waxaan dhinacyada Soomaaliya iyo Kenya ugu baaqayaa in ay isxakameeyaan oo wada hadal lagu dhameeyo xiisada xadka ka jirta.”

Gudoomiyaha ayaa sheegay in xasiloonida labada dal, gaar ahaan xadka uu muhiim u yahay wadamada gobolka ku yaalla.

Hadalka Mr. Faki ayaa yimid, iyadoo dowladda Kenya ay warqad qoraal ah u dirtay Midowga Afrika, taas oo ay sheegtay in dagaalkii shalay ka dhacay Beled-Xaawo aysan wax lug ah ku laheyn, isla markaana ay ka walaacsan tahay sida ay wax u wado dowladda federaalka Soomaaliya

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s