Madaxweyne Farmaajo o Shir isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada

Madaxweyne Farmaajo oo Shir isugu yeeray Madaxda Dowlad Gobaleedyada.

Qoraalka Madaxtooyada kasoo baxay ayaa sidan hoose u qoran.

1- Madaxweynuhu wuxuu shir iskugu yeerayaa madaxda Dowlad Goboleedyadda dalka iyo Gobolka Banaadir.

2- Shirkaas waxaa lagu qabanayaa magaalada Samareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug.

3- Shirkan wadatashiga ah waxaa uu socon doonaa inta u dhaxaysa 1-da ilaa 3-da bisha Febraayo 2021.

4- Shirka wadatashiga ee Madaxweynuhu isugu yeerayo Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxaa saldhig u ah heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

5- Madaxweynuhu isaga oo gudanaya waajibkiisa Dastuuriga ah wuxuu 5-ta bisha Febraayo, 2021 shir degdeg ah isugu yeerayaa xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya, si uu warbixin uga siiyo xaaladda guud ee dalka iyo gaar ahaan doorashooyinka dalka.

DHAMMAAD

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s