Xafiiska R/Wasare Rooble o War kasoo Saaray Shirka Garowe

Muqdisho, Febaraayo 09, 2021; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyey Shirka Wadatashiga Arrimaha Doorashooyinka ee ku qabsoomaya 15-ka bishan magaalada Garoowe ee Dowlad-goboleedka Puntland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddu ay dadaal mug leh ku bixinayso fududeynta shirkan iyo sidii loo dardar gelin lahaa fulinta Heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 ee hagayay hannaanka doorashooyinka dalka, ayna meel mariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay doorka wax-ku-oolka ah ee ay qaadaneyso Xukuumadda uu hoggaaminayo, kaas oo ku saleysan isu-soo dhaweynta aragtiyaha kala duwan ee fulinta Heshiiska Doorashooyinka ee horey loo ansixiyey iyo sidii loogu midoobi lahaa marxaladdan muhiimka u ah geeddi socodka siyaasadeed ee dalka.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s