Maxaa Sababay In Ay Wada Dhacaan Murrashaxiintii Golaha Wakiillada Ee Bariga Sanaag

Natiijada hordhaca ah ee Gobolka Sanaag ee Xildhibaannada Golaha Wakiillada, ayaa bannaanka u soo saartay in ay dhammaantood dhaceen Murrashaxiin Sideed ahaa oo ka soo jeeday Bariga Gobolka Sanaag.

Murrashaxiintan dhammaantood isla dhacay, ayaa waxa ay ka sharaxanaayeen Saddexda Xisbi ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI, iyada oo sababaha ay u dhaceen loo aanaynaayo in codadka deegaannada ay ka sharaxnaayeen codka yaalay iyo tirada murrashaxiintu ay kala badnaayeen.
Dadka deegaannada Bariga Sanaag iyo guddaha Magaalada Ceerigaabo ka coddeeyey, ayaa tiradoodu waxa ay gaadhaysaa 11,591 qof, kuwaas oo u coddeeyey Sideeddii murrashax ee ka sharaxnaa saddexda Xisbi, taasoo keentay in murrashaxna heli waayo tiradii loo baahnaa ee uu ku soo baxaayey.
Sababaha loo tirrinaayo inay Murrashaxiintani ku hadheen ayaa waxa ka mid ah in deegaannada Bariga Sanaag dadka u sharaxan aanay is Diiwaan-gelin oo aanay wada qaadan kaadhka codbixinta, qorshaha xumo ka timid dhinaca siyaasiyiinta deegaankaasi oo aan isu tanaasulin, isla markaana Siddeed murrashax isku barbar yaacaayey.
Wasiirka shaqo gelinta iyo Arrimaha bulshada deegaanka Bariga Sanaag ka soo jeeda oo la sheegay inuu aad isugu taxalujiyay siddii uu arintaas uga biyo dhallin lahaa o musharaxiintu isugu tanaasulli lahaayee laakiin dheg jalaq looma siin murrashaxiintaasi oo saddex ka mid ah murrashaxiinta dhacay ka sharaxneeyeen Xisbiga KULMIYE. inkastoo musharaxiinta saddex ka mid ahi ay Xamabaarsanaayeen afar xubin deegaan oo dhamaantood soo baxay laakiin iyagii dhaceen


Haddaba, halkan waxa aanu idinku soo gudbinaynaa Siddeeda Murrashax ee ka sharaxnaa Gobolka Sanaag, gaar ahaana deegaannada dhinaca bariga ka xiga Degmada Ceerigaabo, sida ay u kala heleen codadkii dadku dhiibteen, balse aan u suurto gelin in mid ka mid ahi soo baxo.
KULMIYE
Ibraahin Ducaale Cawke, waxa uu helay, 2906 codAhmed Yusuf Mohamed, waxa uu helay, 1379 codAhmed Aadan Guray, waxa uu helay, 952 cod
WADDANI
Siciid Ibrahim Mohamed, waxa uu helay, 1757Abdikarim Mohamed Hasan Gufure, waxa uu helay, 1377 codAbdirashiid Hasan Mohamed, waxa uu helay 29 codYasin Mohamed Sharmaake, waxa uu helay 1575
UCID
Siciid Mohamed Ahmed, waxa uu helay 2516 cod

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s