Rabshado ka dhashay natiijadii doorashada oo ka bilowday deegaamo katirsan Somaliland.

-Shacab siweyn uga careysan natiijada hordhaca ah ee doorashadii Golayaasha degaanka ee degmada Gibileey ayaa waxaa ay Maanta xirteen wadada xiriirisa Magalooyinka Hargeysa iyo Gibileey ee degaannada Soomaaliland.

Dadkaan oo ka kooban rag iyo dumar ayaa waxaa ay taayaro ay gubeen iyo dhagxaan waaweyn ay ku xireen wadada dhex-marta bartamaha deegaanka Caro-yaambo ee duleedka Degmada Arabsiyo, iyaga oo u diidaya dadka & Gadiidka inay maraan

Dadka banaanbaxayaasha ayaa waxaa ay ka careysan yihiin in uu doorashada kusoo bixi waayay Musharax ka sharaxnaa xisbiga UCID  ee Degmada Gabiley , iyaga oo sheegay in doorashada la musuq maasuqay.

Warraka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in weli dadka careysan ay goobtaasi ku sugan yihiin, taas oo hakisay Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee isugu safri jiray Magaalada Hargeysa iyo degmada Gobileey.

Inta la ogyahay, waa diidmadii iyo rabshadihii ugu horeeyay ee ka dhasha doorashooyinka Somaliland, waxaana saacad walba si horudhac ah looogu dhawaaqayaa natiijooyinka doorashada ee degmooyinka Somaliland.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s